Madaxtooyada Soomaaliya oo baadi goobeyso wiil badbaadiyay shimbir!

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa baadi goobeysa wiil dhalinyaro ah oo todobaadkii hore shimbir badbaadiyay, xili uu kusugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Agaasimaha warfaafinta ee Villa Somalia Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal kooban oo muujinaya in la baadi goobayo wiilka dhalinyarada ah, Wuxuuna bagiisa soo dhigay qormo yar iyo muuqaal oo u qorneyd sidaan “Reer Gaalkacyo 👍👍👍Wiilkan yaa garanaya”.

Wiilkaan ayaa shimbirta badbaadiyay kadib markii ay koronto ku qabsatay mid kamid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Muqaalkaan oo beriyo ka hor la baahiyaya, ayaa waxa uu ku faafay baraha ay Bulshada ku kulanto.

Villa Somalia weli ma aysan sheegin ujeedada loo baadi goobaya wiilka dhalinyrada ee shimbirta badbaadiyay, iyo waxa ay arinkaan  basiidka u dabo socoto.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments