Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta AMISOM (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) oo maalmahaanba ku sugnaa degmada Dhobley ee gobalka Bay ayaa maanta booqasho ku tegay saldhigga ciidaamada AMISOM ay ku leeyihiin degaankaasi, iasaga oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Halkaasi.

Axmed Madoobe ayaa waxa xeradda Taliska AMISOM ku soo dhaweeyay taliye ku xigeenka ciidankaasi Kornel Kuto iyo sarakiiil kale.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa weli waxa uu ku guda jiraa abaabulkii ciidan oo uu maalmahaanba ka waday Dhoonleey, kaa oo uu ujeedkiisu yahay qaaditaanka howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo dhawaan weerartay Saldhigga Baar-Sanguuni.

Kulamada ay yeesheen Axmed Madoobe iyo Saraakiisha AMISOM ayaa looga wada hadlay in ay ciidamada Taliska si wanaagsan iskugu diyaaruyaan howlgalkaan kana qaatan doorkooda si uu howlgalkaan u noqdo mid lagu guuleysto.

Hoos ka daawo Sawirrada Kulanka A. Madoobe iyo S. AMISOM

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments