Axmed Madoobe oo wada abaabul u muuqda aargoosi {+Sawirro}

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa uu degmada Dhoobleey ee gobalka Jubadda Hoose ka bilaabay abaabul ciidan oo u muuqda mid uu uga aargoosanayo xarakadda Al-Shabaab oo weerarda ku sii kordhineyso.

Axmed Madoobe oo booqasho ku joogo degaanka Dhoobleey ayaa waxa uu kormeer ku tegay xerro ay ciidanka daraawiista Jubbaland ku leeyihiiyn deegaankaasi, isaga oo xeradaasi kula kulmay saraakiil iyo ciidamo kala duwan oo ku sugnaa xeradda.

Madaxweynaha Jubbaland oo la hadlay ciidanka ku sugan Dhoobley ayaa  sheegay in howlgalka xoraynta degaanada maqan ay diyaar u yihiin oo dhaqaaq uu sugayo, wuxuuna cadeeyay in howlgalka dhawaan bilaabanayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in markan ciidankooda diyaar u yihiin in ay dagaal galaan kana xureeyaan Al Shabaab deegaanada iyo degmooyinka ay ka joogaan gobolka Jubada Dhaxe,.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmahan booqasho ku joogay Degmooyinka Afmadoow iyo Dhoobley, waxa uuna degmooinkaasi Axmed Madoobe kawaday abaabul dagaal, kaa oo xarakadda Al-Shabaab looga xureynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Maamulkiisa.

Hoos ka daawo Sawiradda 

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments