Waa maxay Jabtada, Maxa sababa & Maxa lagu daweeyaa?

Qormadaan waxaan ku falanqeyndoonaa Cudur ka mid ah cuduradda ku badan Bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka, madaama uu ku sii badanaya wuxuu u baahan yahay in laga hadlo loona cadeeyo bulshada; Wuxa uu yahay?, Waxa keena? iyo Qaabka loola tacaalo, Hadaba aqriste Dhameyso qormadaan si aad wax badan uga ogaato cudurkaan halista ah.

Waa Maxay Cudurka Jabtada?

Jabtaduwaa cudur ku dhaca habdhiska taranka ee labka ee dhedigga am Ragga iyo Dumarka waxaana afka qalaad lagu dhahaa (Human Reproductive System) waana cudur aad iyo aad caan uga ah Bulshada dhexdeeda, kuna sii faafaya jiilasha cusub, Waana cudur lagu kala qaado galmada (Sexual Transimmited Disease).

Maxaa Sababa Cudurka Jabtada?

Waxaa ugu weyn oo cudurkaan sababa waxaa ka mid ah Bacteria loo yaqaano (Neiseria Gonorhhea ama Gonococci), waxaa sidoo kale Sababa isu tagga labada qof ee xanuusan walow midkoodba ha caafimaad qabee, sidoo kale sababheeda waxaa ka mid ah isu tagga sharci darada ah ee labada qof ee qaangaarka ah taa oo ay diinteenuba xarimmtay hadane ma fahansana dadka qaarkii.

Waa Maxay Astaamaha Jabtada?

Waxaa jira astaamo kala duwan oo fara badan kuwaa oo lagu garto cudurka Jabtada sidaad darteed waxaan ka soo qaadan doonaa kuwa ugu caansan oo uu qofku ku xaqiiqsan karro in uu qabo ama heeyo cudurkaan, waana kuwaan calamadaha ugu caansan:-

  • Kaadida oo qofka gubta marka ay soo baxeyso.
  • Guska oo xanuuna (Ragga).
  • Kaadida oo isku bedesho Jaale.
  • Kalyaha oo xanuuna.
  • Saaxaha oo la hankacda.

Maxaa lagu daweeyaa Cudurka Jabtada?

Waxaa jira dawooyin lagu daweeyo cudurkaan inkastoo aysan horay u jirin dawooyinkiisa, iyadoo aad si fudud uga heli karto farmashiyada ama goobaha kale ee caafimaad, Balse waxaan halkaan kugu siin doonaa qaar ka mid ah daawooyinka cudurkaan lagu daweeyo lagana heli karo dalka hadaad dibedda joogtane kaba sii fiican, Hadaba waa kuwaan daawooyinka ay suurto gal yahay in lagu daweeyo cudurkan:-

  • Penicillin (5mg) Injection 1×2 20 xabo.
  • Gentomycine (80mg) Injection 1×2 14 xabo.
  • Tetracyline cap (250mg) 2×3 15 xabo.
  • Multi-Vitamine Syrup 1×3 1 xabo.
  • Spectimonycine Injection (1gr) ama (2gr) Single Dos I / M Injection kaliye.

Waxaan Fileynaa in uu aad iyo aad idiin caawin doonto qormadaan waxaana sidaan oo kale idiin soo gudbin doona cuduro kale oo fara badan kuwaa oo si weyn caqabad ugu haayo Bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
[email protected]

Facebook Comments