Al-Shabaab oo war rasmi ah ka soo saaray weerarkii Baar-Sanguuni

Kooxda Al-Shabaab ayaa ugu dambeyn waxa ay war rasmi ah ka soo saareen weerarkii ay saakay ku qaadeen saldhigga ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay saakay weerar ku bilawday qaraxyo ay kula wareegeen saldhigga Baarsanguuni ayne mudo kooban heysteen xerada, waxayne sheegeen in ay khasaare xaddhaaf ah gaarsiiyeen ciidamadii ku sugnaa xerada oo isugu jiray kuwa Jubbalnd iyo kuwa Dawlada Soomaaliya.

War ka soo baxay Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay weerarka ku dileen ilaa 41-askari oo ku sugnaa xerada ayne qaar kalane ku dhaawaceen.

Marka laga soo tago khasaaraha dhimasho iyo dhaawac oo ay Al-Shabaab shaaciyeen waxa ay sidoo kale ururka sheegeen in ay qaateen saanad militeri oo halkaasi tiilay.

Dhanka kale, Warka ka soo yeeray Al-Shabaab iyo kan Maamulka Jubbaland ayaan isku dhaweyn, iyadoona uu maamulka Jubbaland sheegay in uu argagixiada ka dilay 73-askari uuna weerarkaan ku tilaamay in uu ahaa midkii ugu xumaa oo ay Khasaare nuucaan oo kale ah kala kulmaan ciidamada Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay diiradda saareen duulaano weerar, kuwa oo ay ka wadeen deegaanada dalka iyo meelo ka baxsan Soomaaliya sida weerarkii ay talaadadii la soo dhaafay ku qaadeen hotel ku yaalla Xaafadda Westland ee magaalada Nairobi.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments