Sheekh Kenyaawi oo ka jawaabay hadalkii xil. Mahad Salaad

Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ayaa bixiyay wareysi taabnaya dhinacyo badan kaa oo ku aadanaa hadalkii ka soo yeeray xildhibaan Mahad Salaad, ahaa inuu dhaqaalo ka qaatay dowladda federaalka.

Sheikh Kenyaawi, ayaa horeyn si cad u sheegay inuusan wax dhaqaalo ah ku qaadan muxaadarada uu ka jeedinayo garoonka kubadda cagta ee Koonis, waxaana uu sheegay in Alle dartii ay ka tahay.

Wuxuu ka jawaabay inuu ku milmay siyaasadda Soomaaliya iyo warar kale oo sheegaya in xildhibaan Mahad Salaad uu dil ugu hanjabay, kaasi oo saacadihii ugu dambeeyay baraha bulshada laga hadal hayay.

Sheikh Kenyaawi ayaa sheegay in dad been abuurka ka shaqeeya ay sameeyeen arinta lagu qalqal gelinayo amaankiisa, waxaana uu sheegay in Xildhibaan Mahad Salaad uu yahay Abtigiis, waxaana uusan kala kulmin.

Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta hadba xaaladda taagan ku hal qabsadaan, isagana uu soo  dhexgalay arin taagneyd oo ah khilaaf u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka.

“Mahad Salaad waa Abtigey, iimana hanjabin mana laga yaabo dad been abuurka ka shaqeeya ayaa isku keenay sawirkiisa iyo keyga, iyaga oo bastoolad soo dhexgeliyay, meelo badan ayaa laga iga soo wacay oo dadka wey aamineen, Waa been anigaa idiin xaqiijinayo”ayuu yiri Sheikh Kenyaawi.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa dhankiisa shaaciyay inuu cafiyay Sheikh Kenyaawi oo ay isku weerareen baraha Bulshada.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments