Kolonyo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray duleedka Buur-Hakabe

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Buur-Hakabe ee gobalka Bay ayaa sheegaya in Xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar dabo gal ah ku qaadeen kolanyo ciidan oo Itoobiyaan ah oo marayay duleedka Buur-Hakabe.

Kolanyada ay kooxda Al-Shabaab weerareen ayaa la sheegay in ay ku ka baxeen Buur-Hakabe kuna sii jeedeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Weerarka ka dib ayay ciidamada Itoobiyaanka ah ee la weeraray ayaa waxa ay rasaas si bareer ah ugu fureen dad shacb ah oo degnaa duleedka Buur-Hakabe taa oo sababtay dhimasho iyo dhaawac, sida ay ku warameen dadka deegaanka, inkastoon la xaqiijin tiradda saxda ah ee dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay burburisay kolonyadii ciidamada Itoobiya, khasaare baaxad lehna gaarsiiyeen, waxaana war qoraal ah oo ay soo dhigeen baraha internetka qaarkood ay ku sheegeen iney weerarkaas ku dileen 38 askari oo itoobiyaan ah, qaar kale oo badana dhaawaceen.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale baahisay in weerarkaas ay ku qabsadeen afar gaari oo ka mid ahaa kuwii ay wateen ciidamada Itoobiya, iyagoo intaas ku daray iney la degeen wixii saarnaa ka dibna ay dab qabadsiiyeen.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM Ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin dhacdadan, mana jiraan illaa hadda ka madax banana Al-shabaab oo xaqiijinaya sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday kolanyada Itoobiyaanka ah.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments