Dab qabsaday suuqa degmada Afgooye & Khasaare ka dhashay +Sawirro

Waxa uu xalay saqdii dhexe dab xoogan ka kacay suuq ku yaalla degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose, kaaas oo aan dhalinin wax dhimasha ah halka uu sababay khasaare maaleed.

Wararka ayaa sheegaya in dabkan uu markii hore ka bilowday Kawaanka hilibka lagu iibiyo ka dibna uu ku faafay qeybo ka mid ah suuqa, iyadoo degmadaas aysan laheyn wax gaadiid dab demis ah.

Sida ay sheegayaan ganacsatada degmada Afgooye dabka ayaa caagta mariyey labo Makiinada Saliid, saddex Dukaan laba ka mid ah Xarumaha lagu iibiyo qalabka Electronikada iyo goobo kale.

Dedaal ay sameeyeen qaar ka mid ah shacabka degmada afgooye oo adeegsanaya gaari booyad ah ayaa markii dambe ku guuleystay iney damiyaan dabkaasi oo illaa hadda ana la ogeyn sababta dhalisay.

Dababka qabsanaya suuqyada iyo goobaha kale ee ganacsiga ee dalka Soomaaliya ayaa maalmahan ku soo batay magaalada Muqdisho iyo gobolada ku dhow.

shalay ayeyna aheyd markii uu dab xoogan qabsaday goobo ganacsiga oo ku yaala agagaarka isgoyska Zoobe, ka sii horeeyey dab kale oo isna khamiistii hore xili habeenimo ah qabsaday qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha oo ah midka ugu weyn ganacsiga Somalia, lamana oga illaa hadda xiriirka ka dhexeeya dababkan iyo waxa isku waqti ka dhigay.

Ka dib markii uu meel ganacsi dab ka kaco ayaa waxaa imaada caqabad kale oo aysan oo bulshada heysata, taasi waxay tahay goobta uu dabka ka kacay oo aanan si dhaqso ah loo keenin gaadiidka Dab Demis ka, taasine ay sababto in uu khasaaraha sii fara bato.

Hoos ka daawo sawirrada suuqa uu dabka qabsaday.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments