Kenyatta oo war xasaasi ah ka soo saaray weerarkii AS ee Hotel Dusit

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday Hotel Dusit D2 ee magaalada Nairobi isagoona faah faahin ka bixiyay qaabka uu weerarku u dhacay.

Kenyatta, wuxuu sheegay in laamaha amaanka aysoo gabogabeeyeen weerarka, islamarkaana la wada dilay Shabaabkii weerarka soo qaaday, wuxuuna intaas ku daray in hadda xaalada caadi kusoo noqotay, islamarkaana dadka ay ku laaban karaan goobahooda ganacsiga.

Wuxuu sheegay in waxyeelo ay ka dhalatay weerarka, balse ay socdaan faahfaahinta la xiriirta khasaaraha ka dhashay iyo sida Al Shabaab ay ugu suuro gashay inay weerarkaasi ka geystaan magaalada Nairobi, isaga oo sheegay in 14 ruux ay ku dhinteen hotelka.

Dad ka badan 700 qof ayuu sheegay in laga badbaadiyey dhismaha la soo weerarray, wuxuuna u mahad celiyey ciidamada Kenya oo jawaab degdeg ah ka bixiyey weerarka.

Uhuru Kenyatta, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi ay dad Kenyan ah ku dhinteen, isaga oo tacsi u diray dadka eheladooda weerarka ay ku dhinteen.

Dadka waxyeelada ay soo gaartay waxaa kamid ah Soomaali, American, Britian iyo kuwo u dhashay dalka Spain, sida warbixinta lagu sheegay.

Waaberigii saaka waxaa la maqlayay dhawaqa rasaas iyo qaraxyo u muuqday bam gacmeed inay ka dhacayeen hotelka ku yaala xaafadda Westland ee magaalada Nairobi.

Ururka Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa sheegay inay dileen 47 ruux oo ku sugnaa dhismaha hotelka , laakiin laamaha amaanka Kenya ayaa sheegay in  ku dhawaad 15 ruux ay ku dhinteen weerarka.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments