Dawlada Kenya oo shaacisay in la soo afjaray weerarkii magaalada Westland

Xukuumadda dalka Kenya ayaa baahisay in ay soo gabagabeeysay weerarkii ay xalay kooxda Al-Shabaab ka geysteen xaafadda Westland ee magaalada Nairobi.

Wasiirka Arimaha Gudaha dawlada Kenya ayaa sheegay in ay weerarkaasi ku dhimteen ilaa 10-ruux iyadoona uu sidoo kale sheegay in haatan ay soo afjareen guud ahaan weerarka.

Wasiirka Amnigga Fred Matiangi’i oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta sar sare ee hey’adda Bisha Cas oo ku mid yahay Cabbas Gulet iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Dawladda Kenya oo warbahinta kula hadlay shir Jaraa’id ayaa sheegay in uu howlgalkii soo idlaaday.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa isla shalayba sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi ka dhacay bartamaha magaalada Caasimadda ah ee Nairobi, waxayne Al-Shabaab sheegteen in ay weerarkaasi ku dileen ilaa 47-ruux oo iskugu jiro shacab iyo ciidanba.

Afhayeenka guud ee xarakadda Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in ay uu weerarkaasi uu tilaan u ahaa sida ay uga awood badiyeen ciidamada kala duwan ee dawlada Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa asigane dhinaciisa ka hadlay weerarkaan isagoona sheegay in uu weerarkaasi ahaa mid Argagixisonimo ah loona baahan yahay in ay shacabka reer Kenya ay iskaashadaan oo ay muujiyaan wada shaqeyn.

Weerarkaan oo ku bilaawday qaraxyo aya shalay ilaa xalay ka socday hotel ku yaalla xaafadda Wetland oo aan aad uga fogeyn suuqa weyn ee Westgate kaa oo ay sidaan oo kale horay Al-Shabaab weerar nuucaan oo kale ah ugu qaadeen ka oo ay ku dileen shacab tiro badan.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments