Madaxweyne Deni oo kulan deg deg ah la yeeshay laamaha amaanka maamulkiisa

Madaxweynaha shalay ku guuleystay kursiga madaxtinimadda ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan deg deg ah la qaatay laamaha amaanka ee deegaanada maamulka Puntland, kaasi oo looga hadlayay amaanka Puntland.

Waxaana kulankaan ka qeyb galay saraakiisha iyo ciidamada kala duwan ee Puntland, waxaana looga hadlay inta howlaha kala wareega xilka ay socdaan sidii loo adkeyn lahaa amaanka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa saraakiisha ciidamada ku wargeliyay in isbadal weyn aan hadda lagu sameyn doonin laamaha amaanka Puntland, waxaana uu kula dardaarmay inay amaanka adkeeyaan.

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa la filayaa in dhawaan ay Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ka dhacdo munaasabad lagu Caleemo saarayo.

Shalay ayaa waxaa uu Garoowe kula kulmay wafdi ka socday Dowlad Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomalaiya Axmed Ciise Cawad,kuwaas oo maalma kahor loo diiday inay Garoowe tagaan.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net
Facebook Comments