IGAD oo arin muhiim ah ka dalbatay madaxweynaha cusub ee Puntland

Ururka IGAD oo gaabjoog ka ahaa ahaa doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garowe ee gobolka Nugaal Ahna xarunta maamulka Puntland ayaa qoraal kasoo saaray sida ay wax u dhaceen, Dalabkii ugu horeeyayne u diray madaxweynaha cusub ee maamulkaasi.

Maxamed Cali, wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashadaasi ay soo dhoweynayaan qaabka ay u dhacday una hambalyeenayaan madaxweyne Deni.

Waxa uu sheegay in ay arkeen doorasho si xalaal ah uga dhacday magaalada Garoowe, walibana si buuq la’aan ah.

Dhinaca kale, IGAD ayaa ka dalbatay madaxweynaha cusub ee Puntland in wadashaqeyn uu la yeesho dowladda federaalka Soomaaliya.

Dr. Guuyo ayaa sidoo kale kula dardaarmay Madaxweynaha cusub ee Puntland, inuu la yimmaaddo hufnaan iyo maamul wanaag, sidoo kale uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka iyo maamullada Dalka ka jira.
Madaxweynhii hore ee Puntland Cabdi weli Mohamed Cali Gaas iyo dawlada federaalka ayaa waxa ka dhaxeeyay khaalaaf saldheeraaday kaa oo uu Gaas xiriirka ugu jaray guud ahaan DFS.
Dr. Gaas markale isu soo sharaxay qabshada madaxtimimadda maamulka Puntland isagoo dalbana in markale la doorto si uu u dhmeysto howla qabya ka ah oo uu hadii uu baxo dabar go’aya arimahaa oo uu koow ka yahay khilaafka kala dhaxeeya DF.
Balse madaxweyne Deni ayaa isgane weli ka hadlin ama aan war ka soo saarin in uu  la shaqeynayo Dawlada Soomaaliya inkastoo ay dalabkaas u direen Ururka IGAD.
Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net
Facebook Comments