Madaxweyne Deni oo durbo soo saaray amar aan sahlaneyn

Madaxweynaha cusub ee kursiga maanta ku fariistay ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi (Dani) ayaa shaqadii ugu horeeyey ee uu qabto ka dhigay inuu soo saaro amar culus oo la xiriira hanaanka maaliyadda maamulkiisa Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa durbo wuxuu soo saaray wareegtadii ugu horreysay,  waxaana uu joojiyay kharashaadka ka baxaya akoonada hay’addaha dowliga ah ee Puntland illaa amar dambe.

Amarkaan cusub ayaa u muuqda mid uu Deni kaga hortagayo in wax is-daba marin ay dhacdo ama lacag laga lunsado qasnadda dowladda, inta lagu guda jiro xilliga kala wareegga labada maamul.

cusub
Amarka Cusub ee Madaxweyne Dani.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

 

Facebook Comments