Daawo:- Gaas oo u hambalyeeyay MD cusub ee kursiga kala wareegay

Madaxweyhihii hore ee maamulka Puntland Cabdi weli Mohamed Cali Gaas ayaa qudbad oo uu jeediyay ka dib doorashadii maanta ka dhacday magalda Garowe ugu hambalyeeyay madaxweynha cusub ee maamulkaasi Mudane Saciid Cabdullahi Deni.

Gaas ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee kursiga kala wareegay isagoona ku bogaadiyay inuu si hufan ugu adeego maamulka Puntland Shanta  sano ee soo socta, isagoona sidoo kale u mahadceliyay gudigga doorashada maamulkaasi.

Hoos ka daawo hambalyada Gaas ee Deni

Madaxweyne Gaas ayaa u hanqal taagayay inuu ku guuleyto doorashada maanta isagoona ku guul dareestay inuu markale ku fariisro kursiga ree Puntland iyo shan sano kale, iyadoona uu Gaas halkiisa ka sii kobcin rebay khilaafka kala dhexeeya Dawlada Dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha haatan imaaday ayaa loo maleeynayaa inuu tirtir doono khilaafka faraha ka bixi rabay ee uu Gaas kula Jiray DF inkastoon la ogeyn in ay taasi suurta gali doonto.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments