Xaalad cabsi oo ka jirta Muqdisho kadib qatar laga war helay!!!

Waxa ay xaalad cabsi ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kadib markii laga warhelay in gaadiid qaraxyo ah magaalada ay soo galeen.

Saraakiisha amaanka Muqdisho ayaa sheegay inay xalay heleen xog ku aadan gaari nooca raaxada ah uu soo galay magaalada kaasi oo lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, taasina ay keentay in feejignaan ay galaan ciidamada amaanka.

Baaritaano adag ayaa ka socdo degmooyinka ku hareereysan madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qeyb qaadanaya ciidamada booliska AMISOM ee kusugan magaalada.

Ciidamada ayaa baaritaanka ugu adag waxay ka wadaan hareeraha madaxtooyada gaar ahaan degmada Boondheere ilaa taalada Daljirka Dahsoon iyo xarumo kale, halkaasi oo gaadiidka hal hal loo baarayo.

Waxaa sidoo kale baaritaanka qeyb ka ah Eeyaha sida gaarka ah u tababaran ee ciidamada AMISOM iyo booliska Soomaaliyeed, waxaana gaadiidka laga dajinayaa dhamaan dadka saaran, iyadoo kadib baaris lagula dhaqaaqayo.

Goobta sida aadka ah loo baarayo ayaa ah halkii dhamaadkii sanadkii hore ay ka dhaceen qaraxyadii ay dadka badan ku dhinteen.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments