QM oo warbixin cusub ka soo saartay weerarkii lagu qaaday xarunta Xalane ee Muqdisho

Hay’adda Q/Midoobay u qaabilsan Miinooyinka ee United Nations Mine Action Service – (UNMAS) ayaa warbixin kasoo saartay weerarkii hoobiyeyaasha ee 1-da Janaayo ee sanadkan 2019 lagu qaaday xarunta ay UN-ka  ku leeyihiin Muqdisho ee Xalane.

Warbixinta UNMAS ayaa lagu sheegay in weerarka loo adeegsaday Qoriga Hoobiyaha nooca 80-mm iyo saalbooyin noocoodu yahay L33A1. oo ah isla rasaastii loo adeegsaday weerarkii xalane lagu qaaday horaantii July sanadkii 2018.

Hoobiyeyaasha ayaa la sheegay in laga soo qaaday degaanka Kaxda ee Dharkeynley oo masaafo dhan 4.5-Km u jira xarunta UN-ka ee ku dhex taalla Xalane, isla markaana ay weerarka sheegatay kooxda Alshabaab kadib 15 daqiiqo, waxayna UNMAS sheegtay inaysan jirin koox kale oo lagu tuhmi karo.

Madaafiicda ayaa ahaa kuwo si toos ah ugu dhacay xarunta UN-ka, siiba xafiisyada CPO iyo UNMAS, wuxuuna ahaa weerarkii ugu dhowaa ee si toos ah loo beegsado laguna toosiyo xarunta UN-ka ee Muqdisho.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments