Fanaaniin caan ah oo bandhig faneed xalay ku qabtay Muqdisho + Sawirro

Bandhig faneed loogu magac daray Fanka & horumarka caasimada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay xarunta maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Bandhig faneedkan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowlada federaalka kuwaasoo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Banaadir Ing. C/raxmaan Yariisow, Xildhibaano, Maamulka degmada Dayniile iyo boqolaal shacab ah oo ku nool degmadaas iyo degmooyinka la deriska ah.

Waxa uu Bandhigan ahaa mid lacag la’aan ah ayaa waxaa wacdaro taariikhi ah ka dhigay Fanaaniin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Farxiyo Kabayare, Xasan Gantaal iyo fannaaniin kale oo halkaas ka qaaday heeso iyo suugaan kale oo  qiiro geliyay dadkii u soo daawashada tegay bandhigga.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa u mahad celiyey fanaaniinta bandhigaas ka qeyb qaatay, isagoo xusay in arintan ay muujineyso horumarka iyo amniga ka jira caasimada, ayna dhabarjab ku tahay dadka faafinaya in Muqdisho looga kala orday Amni Darro ba’an.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net
Facebook Comments