Saraakiil Nigerian ah oo shahaadoyin & abaal marino lagu gudoonsiiyay Muqdisho + Sawirro

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu abaal marinayay saraakiil katirsan ciidanka nabad ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa katiran booliiska .

Munaasabadan lagu abaal marinayay saraakiishan katirsan booliiska AMISOM ee kasoo jeeda dalka Nageria waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo saraakiil kale oo ka tirsan Booliska AMISOM.

Saraakiisha booliiska Nageria ee qeybta ka ah ciidamada nabad ilaaliyeyaasha AMISOM ayaa lagu abaal mariyay shaqada ay ka qabteen gudaha Soomaaliya, waxaana saraakiishan lagu amaanay gacanta ay ka geesteen tababarka booliiska Soomaaliya .

Maj. Gen. Fidza Dludlu oo ah madaxa qeybta taageerada howlgalka AMISOM ayaa sheegay in saraakiisha booliiska Nageria ee qeybta ka ah AMISOM ay qabteen shaqooyin wanagasan oo loo riyaaqay ayna mudan yihiin abaal marino.

Soomaaliya waxaa ka howlgalo ciidamo booliis ah oo katirsan howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM , waxa ayna ciidamada ka kala socdaan dhowr wadan ay kamid yihiin Brundi, Djbouti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, iyo Uganda.

Hoos ka daawo sawirrada Munaasabadda

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments