Hal xabo oo Kalluun ah ma ku soo iibsan laheyd $3-milyan??? Sawirro

Nin Maalqabeen ah oo u dhashay wadanka Japan  ayaa lacag dhan $3.1 Milyan oo dollar ku iibsaday kalluun weyn oo ah nooca loo yaqaanno Tuna iyadoo arintan ay ka fajacisay dad badan.

Taajirkan ayaa kalluunkaas ka iibsaday bandhigga suug geynta sannadka cusub oo lagu qabtay suuq kalluunka lagu iibiyo oo dhawaan laga furay magaalada Tokyo.

Kiyoshi Kimura, oo ah nin si iskiis ah dhaqaale uga sameeyay iibinta raashinka Japan ayaa horay loogu yaqaanay “Boqorka Tuunada”, ka dib markii uu ku caan baxay iibsashada kalluunka noocaas ah.

Kalluunkan weyn ee uu hadda iibsaday oo culeyskiisu uu yahay 278 Kg ayaa ah nooca loo yaqaanno bluefin tuna, waana mid halis ugu jira inuu ka dabar go’o guud ahaan badaha dunida.

“Waxaan iibsaday Tuna fiican”, ayuu ku yiri wakaaladda wararka ee AFP, ka dib markii uu soo idlaaday bandhigga suuqa.

Dadka sida jumlada ah wax u iibiya iyo milkileyaasha makhaayadaha cuntada Japan ee Sushi ayaa inta badan lacago faro badan ku bixiya kalluunkaas oo ah nooca ugu fiican, looguna jecel yahay caalamka.

Hoos ka daawo sawirrada Suuqa Bandhigga:-

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments