Shirkadda MAERSK LINE oo ka shaqo bilabeysa dekadda Muqdisho

Shirkad Caalami ah oo lagu magacaabo MAERSK LINE ayaa ka shaqo bilaabeyso dekada magaalada Muqdisho, sida ay inoo xaqiijiyeen maamulka sare ee dekadda Muqdisho.

MAERSK LINE  ayaa ka shaqeysa daabulida kunteenarada maraakiibta saaran, waxaana laga leeyahay dalka Denmark, iyada oo ka shaqeysay wadamo badan oo caalami ah.

Maanta ayuu Markabkeeda ugu horeeya ku soo xiranayaa dekadda Xamar, waxaana shirkadda ay ka howlgashaa in ka badan 130 wadan, sida lagu sheegay warbixinta maamulka Dekadda.

Qoraal kasoo baxay maamulka dekada magaalada Muqdisho ayaa u qornaa sidan:

Waxaan la socodsiinaynaa Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in Dekedda Muqdisho ay ka howl bilabeyso maanta oo ah 5th Janaayo 2019ka Shirkadda MAERSK LINE oo ah Shirkadda Hoggaamisa Daabulida Kuntaynarada Dunida (Global Leader in Shipping Service) kana howlgasha in ka badan 130 wadan.

Imaashiyaha Markabka ugu horeeyay ee Shirkadda MAERSK LINE oo Xarunteeda tahay Dalka Denmark waxay ifafaalo muuqdo u tahay Kobaca Dhaqaale ee Dalka.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments