Dawlad ka tirsan Europe oo $54-milyan ku bixineyso dib u dhiska Somalia

Xukuumadda Wadanka Norwey ayaa shaaca ka qaaday in lacag gaareysa €47.65 Milyan oo (Euro) una dhiganta $54.3 oo (Dollar) ku bixineyso horumarka iyo dib u dhiska kaabayaasha Dhaqaalaha Soomaaliya , waxaana dhaqaalahan Soomaaliya loo soo marsiinayaa Bangiga Aduunka.

Nikolai Astrup Wasiiru dowlaha Horumarinta Dowlada Norway ayaa sheegay in talaabadan ay dowladiisu ku saacidayso Soomaaliya ay timid kadib markii ay Dowladiisu qiimaysay isla maarkaana aragtay horumarka iyo dadaalada ay wado Dowladda Soomaaliya

Lacagta ay dowlada Norwey ugu deeqday Soomaaliya ayaa qeyb kamid ah la sheegay in loogu tala galay kahor taga xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka kale ee xagga Amniga Soomaaliya kala soo dersa.

Dowlada Soomaaliya ayaa taageero dhaqaale ka hesha qaar kamid ah wadamada Caalamka, waxaana dowlada oo hormaro badan ku talaabsatay sanadihii ugu dambeeyay keentay in dhaqaalo badan lagu aamino  islamar ahaantaane lagu siiyo deeq ahaan.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments