Natiijada doorashada gudoonka barlamanka Puntland oo lagu dhawaaqay

Waxaa lagu dhawaaqay natiijada doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo wareega ugu dambeeya ay ku tartamayeen labo musharax.

Xildhibaan C/Xakiin Maxamed Axmed ayaa ku guuleystay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland kadib markii uu helay codadka ugu badan ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

Ilaa afar musharax ayaa xilkaasi u taagnaa, waxaana wareega ugu dambeeya u gudbay C/Xakiin Maxamed Axmed iyo C/Jamaal Cismaan Maxamed, waxaana guddiga doorashada ay shaaciyeen in C/Xakiin Maxamed Axmed uu ku guuleystay Xilkaasi.

Waxay kala heleen codadka baarlamaanka;

Cabdixakiin Maxamed Axmed 43 cod

C/Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 23 cod

Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo-daarood]  ayaa ah Xildhibaan mudo saddex jeer usoo tartamay Kursiga Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland ee sanadyada 2014, 2015 iyo 2019.

Dhoobo-daarood ayaa doorashadii 2014 ku haray wareegga kowaad, waxa uu haddana isku soo taagay xilkan 2015 markii Xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Saciid Xasan Shire, balse waxaa ka adkaadey Axmed Cali Xaashi.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments