Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka Aadden Cadde oo lagu dilay xaafada KPP

Nin ka mid ahaa shaqaalaha garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa barqanimadii maanta lagu dilay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Sandheere ayaa waxaa lagu toogtay meel ku dhow hoygiisa oo ku yaalla xaafada KPP ee degmada Hodan ka dib markii ay rasaas ku fureen kooxo bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Qaar ka mid ah Hawlwadeenada garoonka Aadan cadde ayaa soomaaliweyn.net u sheegay in marxuumka la dilay uu ka mid ahaa shaqaalaha xafiiska heyadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee garoonka.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka loo getstay Ismaanciil Sandheere oo ka mid ahaa shaqaalaha Xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadda ee garoonka duyuuradaha Adden Cabdulle.

Dilalka qorsqorsheysan ee lagu hayo saraakiisha iyo dadka dowlada u shaqeeya ayaa maalmahan ku soo badanayey magaalada Muqdisho, saaka waaberigii ayeyna aheyd markii kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen taliyihii saldhiga Booliska degmada Warta-nabada ee Gobalka Benaadir.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments