Ilhaan Cumar oo loo dhaariyay ka mid noqoshadeeda Congress-ka Mareykanka (Sawirro)

Congress-woman Ilhaan Cumar ayaa si rasmi ah maanta loogu dhaariyey in ay ka mid noqoto mudanayaasha xisbiga demoqraadiga ee Aqalka Wakiilada labada sano ee soo socota, markaasoo ay dib u tartami doonto.

Ilhaan waxa ay ka mid noqoneysaa Kongareska 116-aad ee dalkan Maraykanka. Dadka Muslimka ah iyo Somaalida Maraykanka ayaa si weyn u soo dhaweeyey guusha ay Ilhaan gaartey.

Waxay sidoo kale Ilhaan Cumar boggeeda Twitter-ka kusoo qortay in awoowgeed uu ku dhiira geliyay damaceeda ah inay siyaasadda heer sare ka gaarto.

Waxay sheegtay in maanta uusan nasiib u yeelan inuu goob joog ka noqdo munaasabadda taarikhiga ah ee lagu caleemo saarayay.

Nancy Pelosi oo ah haweeney hore Afhayeen uga soo noqotay Aqalka Congreska ayaa marka kale loo doortay inay noqoto guddoomiyaha Aqalka Congresska oo ay ku badan yihiin xisbiga Dimuqraadiga.

Ilhaan Cumar ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay oo Soomaali ah oo  ka mid noqota xildhibaan aqalka Koongareska Mareykanka.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments