Deg Deg:- Seddax musharax oo u gudbay wareega labaad ee dooradhada G/ Ku-xigeenka

Waxaa soo gabagaboobay tirinta codadka xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay dhiibteen, waxaana ay xildhibaanada ay u codeeyeen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland.

Musharixiin badan ayaa u tartameysay doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka, kuwaasi oo ka badan musharixiintii u taagneyd doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

66 Xildhibaan ayaa dhiibtay codadka wareega koowaad ee doorashada, waxaana guddoomiye ku xigeen noqon doona musharaxa hela seddex meelood labo meel codadka la dhiibtay.

Musharixiinta ayaa codadka u kala helay sidan:-

  1. Jaamac Yaasiin Jaamac 7
  2. C/Xamiiid C/Salaan Ciise 11
  3. Abuukaate C/Casiis Cabdulaahi Cismaan 28
  4. C/Casiis Saciid Gamaceey 18
  5. Cabdulaahi Muuse Yuusuf 4

Hal cod ayaa halaabay, waxaana wareega Labaad u gudbay Abuukaate C/Casiis Cabdulaahi oo helay 28 cod, C/Xamiid C/salaan Ciise oo helay 11 cod iyo Generaal C/Casiis Saciid Gacamey oo helay 18 cod.

La soco Arimaha Doorashada Puntland

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments