QM oo ka hadashay ceyrintii ay Somalia ceyrisay Nicholas Haysom

Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeesay ka hadashay go’aankii dowlda federaalka Soomaaliya dalka uga ceyrisay Ergaygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom.

Farhaan Xaq oo ah afhayeen u hadlay United Nations ka  ayaa sheegay in Qaramada Midoobay baaritaan ku wado sababaha kalifay in dowlada Soomaaliya soo ceyriso Wakiilkii Soomaaliya u joogay UN-ka.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ay arkeen go’aanka dowlada federaalka kasoo baxay, waxa uuna xusay in ay isku dayayaan sidii ay u heli lahaayeen macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan talaabada dowlada Soomaaliya qaaday.

Xukuumadda oo ka carootay Qoraal kasoo baxay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa si deg deg ah u soo saartay go’aan ka dhan ah ergagaan kaa oo dalka looga saarayo.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments