Gudoomiye ka tirsan Maamulka Puntland oo iscasilay xabsigane la dhigay

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada Puntland maanta magaaladaasi ku xireen Guddoomiyihii hore ee gobolka Sool Abukar Cabdi Geelle.

Gudoomiyahan lagu xiray Garowe ayaa maalmo kahor iska casilay xilka Gudoomiyaha gobolka Sool , waxa uuna sababaha is casilaadiisa ku sheegay in ay ku timid arimo isaga u gaar ah.

Sida aan Wararka ku helany xariga Abukar Cabdi Geelle ayaa salka ku haya eedeymo uu u barta Facebooka ku leeyahay ugu jeediyay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Puntland Cabdiweli Gaas.

Dhanka kale Maamulka Puntland ayaan wali wax war ah kasoo saarin xariga maanta magaalada Garawe loogu geestay Gudoomiyihii hore ee gobolka Sool, xariga masuulkan ayaana kusoo aadeysa xili maalmo kadib la filayo in Garawe ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulkaasi.
Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

 

Facebook Comments