Dawlada Ethiopia oo baadi goobeyso Getachew Assefa & Sababata!

Sirdoonka Dowlada Itoobiya ayaa baadi goob xoogan ugu jira sidii ay u soo xiri lahaayeen madaxi hore ee sirddoonka dalkaasi, Getachew Assefa, oo hada ku jira baxsad.

Madax katirsan Dowlada Itoobiya ayaa diyaariyay warqad lagu soo xirayo Getachew Assefa, oo lagu tuhmayo in uu galay dambiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha intii uu ahaa Madaxa sirdoonka Itoobiya.

Birhanu Tsega Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya  ayaa talaadadii fadhiga Baarlamaanka Itoobiya ka sheegay in ismaamulka Tigreyga ay qarinayaa Madaxii hore ee Sirdoonka Itoobiya oo ah ninka la baadi goobayo.

Getachew Assefa ayaa baxsad galay markii dowlada uu hogaamiyo Abiy Ahmed bilowday in ay bartilmaameedsato saraakiishii hore ee lagu tuhmayo in ay galeen dambiyo ka dhan ah Xaquuqda bini’aadamka.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Qowmiyada Tigreyga ayaa ku eedeeyay dowlada Raisul Wasaare Abiy Ahmed in ay si gaar ah u beegsaneyso dadka kasoo jeeda Qowmiyada Tigreyga ee horey xilalka uga soo qabtay dowladii hore.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments