Qarax miino ah oo ka dhacay Muqdisho

Warar goordhow kusoo dhacay war uruuriyaha shabakadda Soomaaliweyn ayaa sheegaya in uu qarax nuuca miinada ah uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta u qaraxyada.

Qaraxaan oo ahaa mid ay fashiliyeen ciidamada amaanka ee Booliska ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow saldhiga booliska degmada Waaberi ee Gobalka Benaadir.

Dad goobjoogaaal ah ayaa ku waramay in ciidamada amaanka lagu wargaliyay nin la sheegay in qarax miino bac ku watay, kaa oo doonayay in wadada dhinaceeda ku aaso, waxaana ciidanka oo goobta si deg deg ah usoo gaaray eryadeen ninka miinada watay.

Ninka Dablaha  ah ee miinada bacda ku watay ayaa la sheegay in markii dambe Waaxda Horseed gaar ahaan meel ku dhaw saldhiga booliiska Waabari ku tuuray miinadii uu watay sidaasna ku qaraxday.

Lama oga ilaa hada khasaaraha ka dhashay qaraxan miino ee ka dhacay xaafada Horseed ee degmada Waabari, waxaa sidoo kale wali la ogeyn in ciidamada amaanka qabteen ninka miinada watay oo la sheegay in ay eryadeen.

Degmada Waabari ee G Benaadir ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa kusoo badanayay falalka amaan daro, waxaana isbuucan gudihiisa lagu dilay sadex ruux uu ku jiro sargaal katirsanaa ciidanka Milatariga Dowlada  Soomaaliya.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn Muqdisho, Somalia info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments