Dabaal deg Muqdisho ka socda & Lafta Gareen oo ku guuleytay doorashada KG

Waxaa magaalada Baydhabo ku soo gaba gaboobay doorashadii madaxweynha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Waxaana doorashada ku guuleysay Musharax Cabdi Casiis Lafta Gareen sida ay shaaciyeen gudigga doorshada.

Tartanka doorashada maanta oo ay ka qeyb galeen Shan musharax ayaa waxaa codadka ugu badan helay Musharax madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Wuxuuna Lafta Gareen helay in ka badan 100 xildhibaan codadkooda, taasi oo ah ka badan laba meelood saddex meel, waxaana uu noqonayaa musharaxii ugu horeeyay oo si toos ah ugu soo baxa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo aan la aadin wareegyo kale ee doorasho.

Musharaxiinta maanta tartamay ayaa sidaan u kala helay codadka:-

1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. 101 Cod
2-Siid Axmed sheekh Daahir 4 cod
3-Xuseen Cusmaan Xuseen 2 cod
4-Adan Maxamed Nuur Saransoor 22 cod
5-Ibrahim Macalin Nuurow. 5 cod

Wabilahi Towfiiq

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn                                                                            Mogadishu, Somalia                                                                                                  info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments