Akhriso Sooyaalka madaxweyne Lafta Gareen (Waa kuma?)

Sida aad ku maqasheen wararkeyagii hore waxaa doorashadii madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku soo idlaatay magaalada Baydhabo ku guuleystay Cabsi Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen)

Hoos Ka Akhriso Sooyaalka Taariikhda Madaxweyne Lafta Gareen

MD Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970.

Wuxuu leeyahay hal xaas iyo saddex carruur ah. Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay.

C/Casiis Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta.

Madaxweyne Lafta Gareen wuxuu horay xilal badan uga soo qabtay dawladihii kale duwana ee soo maray dalka Soomaaliya.

Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar.

Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8-aad iyo midkan 10-aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda.

Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda.

Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta.

Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga.

Wuxuu horay ugu soo tartamay xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaalya, wuxuuna ahaan jiray wasirka Tamarta iyo kheyraadka biyaha ee DFS.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn                                                                            Mogadishu, Somalia                                                                                                      info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments