Xabsiga Godka Jilecow oo loo bedelay xarun Tababar?

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta shaacisay in gabi ahaanba albaabada lays kugu dhuftay oo la xiray Xabsiga Godka Jilacow, kadib cabasho uga timid Shacabka & Hay’addaha Xuquuqul Insaanka, islamarkaana hadda kadib aysan jiri doonin wax dad ah lagu xiri doono xabsigaasi.

Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa warbaahinta u sheegay in xabsiga loo badelay Acadeemiyad loogu tala galay in dadka lagu tababaro.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in ay muhiim tahay in sare loo qaado Xaaladdaha Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.

Xabsiga godka Jilicow ayaa loogu tala galay in lagu xiro Shaqsiyaadka kala duwan ee lagu eedeeyo in ay ka tirsan yihiin Ururada Argagaxisada loogu yeero.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn                                                                            Mogadishu, Somalia                                                                                            info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments