MD Erdogan oo boqorka Sacuudiga si toos ah ugu eedeyay dilka J. Khashoggi

Madaxweynaha Wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si toos ah ugu eedeeyay Madaxda sare ee Boqortooyada Sacuudiga in ay amreen waxna ka ogaayeen dilkii Istanbuul loogu geestay Wariye Jamal Khashoggi.

Qoraaal ka soo baxay Erdogan oo lagu daabacay wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayuu ku sheegay in amarka dilka Wariyaha loo geestay uu kasoo baxay Madaxda sare ee Sacuudiga.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Erdogan ragii fuliyay dilka Wariye Jamal Khashoggi in ay fulinayeen amar la siiyay, waxa uuna xuusay Erdogan in uusan rumaysnayn in Boqor Salmaan uu arrintaasi ku lug lahaa.

“Waxaannu ognahay in amarka lagu dilay Khaashuqji inuu ka soo baxay madaxda ugu sarreysa ee dowladda Sucuudiga, waxaannu kaloo ognahay in shakhsiyaadkaas ay Turkiga u yimaadeen inay fuliyaan amarro la soo siiyay: oo ah inay dilaan Khaashuqji kaddibna ay iska tagaan” Ayuu yiri MD Erdogan.

Wuxuuna Hadalka Erdogan ayaa sii xoojinaya tuhunka laga qabo in dilka Wariye Jamal Khashoggi uu amray dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, waxaana xubnaha dilka fuliyay ku jira rag aad ugu dhawaa Dhaxal sugaha Boqortooyada.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments