Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofay dalka

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ka ambabaxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo, waxayne mar aan dheereyn ka duuleen garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa ku wajahan magaalada Jubba ee caasimadda Suudaanta Koofureed, halkaa oo uu madaxweynaha iyo wafdigiisa kaga qeyb galayaan dhamaystirka heshiisiinta labada dhinac ee dalkaasi oo ay mudo dheer dagaallo ka soo dhexjireen.

Waxaa sidoo kale shirkaasi ka soo qeyb galaya mas’uuliyiin sar sare oo ka kala socda Midowga Afrika, Urur Gobaleedka IGAD, iyo badaxkale oo si weyn ula socday xaalada dib u heshiisiin ee dalkaasi laga waday mudooyinkii ugu dambeeyay.

Xukuumadda Dawlada Suudaanta Koofureed iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ka dhaxeeyo xiriir diblumaasiyeed oo heer sare ah iyagoona labada dawladood iska taageera dhinacyo fara badan, waxaana dalkaasi ku nool Soomaali badan oo ganacsiyo iyo hawlo kale ka sameeya gudaha dalkaasi.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments