Denjiraha QM ee Somalia & Ergaga Midowga Afrika oo la kulmay Shariif Xasan

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika iyo kan Q/Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira & Nicholas Haysom ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo.

Labada masuul ayaa Baydhabo kula kulmay Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaaday ee Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Illo wareedyo aan helnay ayaa sheegaya in kulanka maanta diirada lagu saaray khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ka jira dalka qaarkood iyo qaabka ugu haboon ee loo xalin karo.

Sidoo kale waxyaabaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah doorashada Madaxtinimada ee bisha soo socota ka dhaceysa magaalada Baydhabo.

Iyadoo aanan la shaacin waxyaabaha ka soo baxay kulankan ayaa haddana wararka qaar waxay sheegayaan in Shariif Xasan uu wakiilada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay u gudbiyey dacwad ka dhan ah dowlada federaalka oo uu ku eedeeyey iney fara gelin ku heyso doorashada hogaanka Koonfur Galbeed.

Denjireyaasha Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa todobaadkan bilaabay dhexdhexaadinta dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada iyagoo horey ula soo kulmay madaxda maamulada Hirshabelle iyo Jubbaland.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments