Xildhibaanno dacwad ka gudbiyay ciidamada amaanka ka dib xanibaad loo geystay

Waxaa maanta la xiray qaar badan oo ka mid ah wadooyinka ugu muhiimsan ee ku dhexyaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaana xirnaanshahaasi loo sabeeyay in ay maanta Muqdisho soo gaarayeen wasiirada arimaha dibedda xukuumadaha Ethiopia iyo Eritrea, islamarkaane wadooyinka la dhegay ciidamao ka tirsan kuwa nabad ilaalinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xirnaanshaha wadooyinkaasi ayaa saameyn weyn ku yeeshay qaar badan oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka xukuumadda federaalka Soomaaliya kadib markii loo diiday in ay maraan wadooyinkaasi, iyadoona intaa loo raaciyay handadaado loo geystay qaarkood.

Mid ka mid xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in ay ciidamada amaanka xalis galiyeen nafsadiisa ka dib markii ay qoray caaradiis ku taageen, wuxuuna sheegay in uusan horay u arkin hab xun u dhaqanka ay la yimaadeen ciidamada amaanka dowlada fedraalka.

Waxaana xildhimaanada maanta ay dhibaatooyinka u geysteen ciidmada amaanka ka mid ah Xildhibaan C/ Fitaax Ismaaciil Daahir, C/Qaadir Maxamuud Cismaan, Mahad M Salaad  iyo Axmed Fiqi ayaa dacwad u gudbiyay Gudoonka Golaha Shacabka.

Waxaana dacwada ka dib arintaan ka hadlay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in ay ciidamada amaanka ay maanta ku kaceen wax fool xumo ah waxaana uu u sheegay in ay ilaaliyaan sharafta iyo maamuska ay ka mudan yihiin xildhibanada.

Wuxuuna gudoomiye Mursal faray gudiyadda amniga iyo difaaca golaha shacabka in ay arintaan ku sameeyaan baaritaan qoto dheer islamrkaane laga sugayo in ay soo gudbiyaan faah faahinno badan o la xiriira dacwadaan laga soo gudbiyay ciidanka amniga Muqdisho ee maanta xiray wadooyinka.

Ciidamada amaanka caasimadda ayaa badanaa hor istaaga gaadidka ay wataan xildhibaanada dowlada federaalka iyo mas’uuliyiinta kaleba iyadoona xilliyada ay xiran yihiin wadooyinka, iyadoo ay arintaan fool xumada ah ee in mas’uul xidka loo istaaga ah ay sabab u tahay taliyaasha oo ciidamada ku amra in aysan cidna u furin wadada xiran walow ma’uul ha ahaatee taasi ay askarta amniga u fuliyaan sidii loo soo faray.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments