Fanaanadda Caanka ah ee Shamsa Xuseen Shumey oo Muqdisho ku geeriyootay

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyootey Shamsa Xuseen Shumey oo ka mid ahayd fanaaniinta ugu caansan dalka.

Shamso ayaa ka tirsaneyd fanaaniinta hobollada Waaberi, waxaana la sheegay in maalmihii ugu dambeeyey ay xanuunsaneysay.

Waxa ay Shamso qaadday heeso badan oo isugu jira, wadani iyo jaceyl, waxaana ay ka mid ahayd hablaha ugu cad cad hobollada Waaberi.

Meydka fanaanad Shamso Xuseen Shumeey lagu wadaa in lagu aaso qabuuraha ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments