Lumista Aragga & Waxyaabaha keeni karo (Vision Loss)

Xanuuno badan ayaa lumiyo aragga, laakiin waxaa ugu caansan dhowr xanuun oo ku dhaca dadkeena soomaaliyeed iyo umadaha kalaba.

Calaamadaha ugu tirada badan ee lagu yaqaano lumista aragga waa aragga oo si joogto ah u yaraada, iyadoo waxyaabaha kaa fog kala garashadoodu dhib sii noqonayso. Hase yeeshee, waxa jiri kara calaamado kala duwan oo ay leedahay lumista araggu oo aan ahayn yaraanta aragga. Tusaale ahaan:

• Guluukoomada / Bakooro (Glaucoma) darnaanteedu hooseyso waxay keeni kartaa xanuun aan badnayn, arag ceeryaamo ku jiro iyo wareegyo ama goobo leh midabka jeegaanka ama qaanso-roobaadka oo lagu arko agagaarka wixii iftiin leh.

• Burbur goobeed (macular degeneration) ayaa keena arag khaldan; xariijimaha toosan waxa la moodaa inay qalqaloocaan isla markaana ashyaada waxa aad moodaa inay ka weyn yihiin ama ka yar yihiin inta dhabtii ay yihiin, wuxuu xanuunkaan la xiriiraa da’da, kulamaa qofka uu duqoobo halista oo ugu jiro cudurkaan way siyaadaa.

• Caadka indhaha fuulay (cataracts) waxa uu keeni karaa arag isku darsan, midabada oo aad moodid inay khafiifeen iyo iftiinka xoogga leh oo birbirqa ama widhwidhleeya,

• Ciladda isha qalalani waxay keentaa gubasho, iyo dareen xajiin ah oo indhaha laga dareemo, dabeesha ma qoraxda ku dhacdo isha waxay u geysataa dhaawac kaasoo keeni kara in ishu ay yeelato boog, kadibna araga uu saa ku lumo.

• Sonkorta xuubka dambe ee ishu (diabetic retinopathy) waxay keentaa aragga oo laba noqda iyo arag meel ku-duwidda oo dhib ah,

Calaamadaha lumista araggu waxay si weyn ugu xiran tahay sababta keentay. Xaaladaha qaarkood waxay si degdeg ah u keeni karaan lumis arag, halka qaar kalena ay si tartiib ah u keeni karaan burbur ku dhaca aragga.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments