Sh. Max’ud Aw Cabdulle Cariif oo ka qeyb galay xaflada furitanka Masjidka Al-Qurqaan + Sawirro

Waxaa maanta xariga laga jaray masjidka Al-Furqaan ee degmada Howlwadaag ee gobalka Benaadir kaa oo bilihii la soo dhaafay uu ku socday dhismo, waxaana furitaankiisa ka soo qeyb galay mashaa’iikh waa weyn.

Xaflad si heer sare ay usoo agaaasimeen gudiga qabanqaabada dhismaha Masjidka Al-Furqaan ayaa maanta ka dhacday gudaha masjidka waxaana ka soo geybgalay culumo falabadan kuwaa oo u duceeyay shaqsiyaadkii wax ku darsaday dhismaha masjidka oo hadda gabagaboobay oo maanta bariisadi xarigga laga jaray.

Masha’ikhda ka soo qeyb gashay xaflada lagu daah furayay masjidka Al-Furqaan ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Maxmuud Aw Cabdulle Cariif, Sheekh C/Waaxid Sheekh Cismaan Qalinle, Sheekh Abuukar Xasan Maalin, Macalimiin iyo culumo kale oo fara badan si ay xariga uga jaraan uga furaan masjidka Al-Furqaan ee degmada Howlwadaag.

Waxaa ugu horeeyn xafladda ka hadlay Gudigga Qabanqaabada Dhismaha Masjidka Al-Furqaan, oo sheegay inta uu ka koobak yahay masjidka iyo inta qarax oo ku baxday, wuxuu sidoo kale gudigga sheegay xilligii la bilaabay dhismaha masjidka iyo waqtiga uu soo idlaaday.

“Farxad weyn ayey inoo tahay in aad nagala soo qeyb gashaan furitaanka Masjidka Al-Furqaan oo uu dhismihiisa dhamaaday sida aad ogtihiin dhismaha masjidka Al-Furqaan waxa uu bilaawday 17-February-2018 wuxuuna dhamaaday 25-September-2018, guud ahaan dhismaha Masjidka wuxuu socday 7-bilood, waxaana ku baxay qarash gaaraya $550,000 – $600,000 oo dollar” ayuu yiri Xaaji Xasan Maxamed Cabdi oo ka mid ah Agaasimeyaasha Gudiga Qabanqaabada Masjidka Al-Furqaan.

Waxaa sidoo kale Xafladda ka hadlay Mashaa’iishda ka soo qeyb gashay oo uu kow ka yahay Sheekh Maxmuud Aw Cabdulle Cariif oo ummadda u sheegay in qof kasta oo ka qtyb qaatay dhismaha masjidkaan oo uu Alle guri uga dhisayo janadda hadii uu ku bixiyay maalkiisa Alle dartiisa oo uu ugu darsaday dhismaha Beydka Alle oo ann dhex joogno, Sida aad ku daawan doontaan Muuqaalka hoos yalla.

Dhamaan ma’shaaiikhda ka soo qeyb gashay xafladda daahfurka ah ee Masjidka Al-Furqaan ayaa u duceeyay dhamaan intii ka qeyb qaadatay dhismaha masjidka iyo intii jecleyd balse ay u saamixi weysay waxayne daah fureen masjidka Al-Furqaan ee Degmada Howlwadaag iyagoo sheegay in uu masjid saacadaan laga bilaabo uu u furan yahay kaliye in ay ku ciibaadeystaan umadda Muslimiinta ah.

Halkaan ka daawo sawirrada xaflada daah furka ee Masjidka Al-Furqaan

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments