Madaxweyne Geelle Xaaf oo magacaabay godoomiye degmo (Aqri Wareegto)

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo saaray wareegto uu Maamul Cusub ugu magacabay degmada Balanbale ee ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Geelle Xaaf ayaa Guddoomiyaha degmada Balanbale u magacaabey Jaamac Xeyle Maxamed oo horey u soo noqday Guddoomiyaha degmadaas, iyadoo ku-xigeenkiisana loo Magacaabay Cabdirisaaq Axmed Xalane sida ku xusan Wareegtada 15kii bishan Septembar.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Maamulkaan ay xilka sii heyn doonaan inta laga soo dhisayo Gole degaan oo dooran doona maamulka degmadaas.

Magacaabida xilkan cusub ayaa ku soo aaday xili xildhibaano ka tirsan Galmudug oo maalmo ka hor ku shiray magaalada Cadaado ay sheegeen iney xilkii ka qaadeen madaxweyne Xaaf, waxaan arimahan qeyb ka yihiin ka yihiin kala qeybsanaan xoog leh oo ka dhex aloosan madaxda maamulka Galmudug.

Halkaan hoose ka Akhriso wareegtada uu Xaaf ku magacaabay G. degmada Balanbale

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments