Qarax miino oo lala eegtay gaari ay wateen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/Galbeed

Wararka laga helayo deegaanka Xaawo Cabdi ee duleeedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax miino ah lagula eegtay gaari ay wateen Xubno ka tirsan maamulka koofur galbeed Soomaaliya kuwaa oo marayay deegaankaasi.

Masuuliyiintan la qarxiyay ayaa ka baxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa ku jiray masuuliyiintaasi Xildhibaano ka tirsan Koonfur galbeed iyo saraakiil uu ka mid ahaa Taliyaha saldhiga degmada Afgooye.

Guddoomiye ku-xigeenka Lafoole ayaa qiray in qarax miino lagu weeraray gaari ay la socdeen masuuliyiintan lala beegsaday qaraxa, balse uusan sheegi karin khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa xiray goobtaas, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in askartii la socotay taliyaha ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, isla markaana ay badqabaan taliyaha Ciidanka Booliska degmada Afgooye iyo xubno kale oo la socday.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments