DFS oo shaacisay magaca sargaal sare oo ay ka dishay Al-Shabaab & Howlahiisii

Dowlada Somalia ayaa ka hadashay toogasho lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in la baadi-goobayay in muddo ah.

Sarkaalkan ayey dowlada Somalia sheegtay in maleeshiyada Al-Shabaab uu u qaabilsanaa degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Sarkaalkan ayaa la tilmaamay inuu ka danbeeyay weeraro dhowr ah oo horay uga dhacay magaalada Muqdisho kuwaa oo ay ku nafwaayen shacab badan.

Afhayeenka Taliska ciidamada Booliska Somalia Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in Sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Abuukar Xasan Cadde.

Sarkaalkan lagu magacaabo Abuukar Xasan Cadde, ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada dowlada ka fuliyeen xaafada Suuqa Xoolaha ee Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in Abuukar uu ka tirsanaa Al-Shabaab isla markaana uu la shaqeynayay rag horay qaar loo dilay kuwana loo xiray.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in Abuukar Xasan Cadde, Ciise Tarabuun oo xiran iyo Jacfar  Kuukay oo horay loo dilay ay wada shaqeynayeen kana tirsanaayeen amniyaadka Al-Shabaab.

Geesta kale, Al-Shabaab ayaan ka hadal dilka loo geystay Sarkaalkan la sheegay in miisaan weyn uu ku dhex lahaa Kooxda.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments