28 C
Mogadishu
Friday, February 22, 2019
Home Wararka RW Kheyre oo shacab kula hadlay Stadium Muqdisho & DF oo qorshe...

RW Kheyre oo shacab kula hadlay Stadium Muqdisho & DF oo qorshe ka damacsan + Sawirro

Ciidamada AMISOM oo mudo dheer xarun Milatari u aheyd Stadium Muqdisho ayaa ugu dambeyn isbuucan isaga baxay garoonkaasi, waxaana garoonka lagu wareejiyay dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ra,isul Wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta  Boqolal shacab ah kula hadlayay garoonka ciyaaraha ee  Stadium Muqdisho, isagoo ugu baaqay in ay ka qayb qaataan Barnaamij-ka is xilqaan oo ah wadankaga wax u qabo, islamarkaana  uu ku dhwaaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Barnaamikaan cusub ayaa sida qorshaha uu yahay lagu billaabi doonaa Tuulada Isboortiga,iyadoo durbo olole Nadaafadeed laga dareemayo garoonka Muqdisho.

Degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood oo ay ugu horayso Warta Nabadda ayaa durba bilaabay olole geedaha loogu jarayo garoonka Muqdisho.

Waxaa Sidoo kale garoonka ku sugnaa masuuliyiin kala duwan oo uu qayb ka yahay Gudomiyaha Gobalka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan (Eng Yariisoow).

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments