Bajaajle lagu dilay Muqdisho & Faah faahino laga helayo

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Askari katirsan ciidamada dowlada uu dilay wiil dhalinyaro bajaajleey ah asaga oo wata bajaajtiisa.

Dilka wiilka ku shaqeysanayay mootada Bajaajka ah ayaa ka dhacay Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, islamarkaane uu meesha iskaga baxsadayb Askarigii dilka geystay.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa ku waramay in askariga dilka geystay iyo bajaajlaha la dilay uu dhexmaray muran kadibne askariga si bereer ah ku toogtay wiilka wxuuna u dhintay dhaawac soo gaaray.

meydka willka la dilay ee bajaajlaha ah ayaa loo qaaday xarunta dembi baarista ee CID-da halkaa oo baaritaano lagula sameynayo.

Dhanka kale, Ciidamada DF ayaa hadda goobta uu dilka ka dhacay ka wada baaritaano ay ku baadi goobayaan askarigii ka dambeeyay dilka wiilka dhalinyarada bajaajlaha ka ahaa magaalada Muqdisho, Kaa oo meesha ka baxsaday.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments