Mareykanka oo dowlada Somaliya oo diyaariyay ciidamo cusub! (Daawo sawirrada)

Mareykanka ayaa tababar cusub u soo afjartay Ciidamo Soomaaliyeed oo ka tirsan qeybta sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Ciidamadan oo ay ku jiraan kuwa u booda goobaha halista iyo guryaha ayaa waxaa tababarka loogu  soo xiray Muqdisho.

Waxaana Ciidamadan sidoo kale loo tababaray fulinta  howlgallada qorsheysan, ayaa ka howlgali doona Saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay Somalia.

Mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay 31 askari oo ka tirsan ciidamada Danab ayaa tababarkan la siiyay.

Ciidamadan ayaa loo dhameystiray saanad ciidan ee askari u baahan yahay, waxaana taasi sii dheer in askartan la siiyay gaadiid ay ku hawlgalaan.

Dhanka kale, Saldhiga ugu wayn ee Ciidamada Danab lagu tababaro, ayaa wuxuu ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha hoose, hayeeshe ciidankaan ayaa intii uu tababarka u socday, waxa ay ku qaadanayeen Xerada Xalane oo Saraakiisha Mareykanka ay degan yihiin.

Facebook Comments