Isku day dil oo ka dhacay magaalada Nairobi oo loo xiray Cali Bunow

Ciidamada booliiska Kenya ayaa saakay magaalada Nairobi ku xiray Gudoomiyaha magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari, waxaana lagu tuhmayaa in uu ku lug lahaa toogasho loo geestay Madaxii hore ee Maaliyada ee maamulka magaalada Gaarisa.

Kooxo hubeesan ayaa isbuucii hore toogasho ku dhaawacay Idiris Muqtaar oo ahaa Madaxii hore ee Maaliyada isla maamulka magaalada Gaarisa, waxaana masuulkan  oo dhaawac halis ah qaba lagu daweenayaa isbitaal kuyaala Niarobi.

Booliiska ayaa sheegay in Idiris la dhaawacay xili uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo dukaday, waxa ayna ciidamada booliiska xireen dad lagu tuhmayo in toogashadaasi ka dambeeyeen.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in ciidamada booliiska xalay isku gadaameen guriga uu Nairobi ka dagan yahay Gudoomiyaha magaalada Gaarisa , waxaana saakay ciidanka isku dhiibay Gudoomiyaha oo loo kaxeeyay xarun dambi baaris.

Xarunta Dambi baarista ee la geeyay Cali Bunow waxaa ku xiran dadkii ka dambeeyay weerarlii lagu toogtay Idiris ,waxaana dadkaasi ku jira  haweeney kireysay gaariga loo adeegsaday raadraaca Masuulka la dhaawacay iyo Askri, waxaana wararka soo baxaya sheegayaa in dadka xiran farmuuqeen Cali Bunow.

Madaxii hore ee Maamulka Maaliyada Gaarisa ayaa horey u sheegay in noloshiisa ay halis ku jirto uuna la kulmayo hanjabaadyo, waxaana hada socda baaritanao adag oo lagu ogaanayo cida ka dambeesay falkan lagu dhaawacay Idiris.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments