Kooxda Al-Shabaab Oo Heshiis Laba Sano Ah La Gaartay Somalia

Cayaaryahan u dhashay dalka Brazil balse ku ciyaara magaca Somalia ayaa waxa uu heshiis labo sano ah la gaaray kooxda Al-Shabaab ee ka dhisan dalkaasi Sacuuudiga, Waxayn ku biiritaankiisa kooxda Al-shabaab dhalisay hadal heyn badan.

Xidigaan ku ciyaara magaca dalka Somalia ayaa waxaa lagu magacaabaa Wergiton do Rosario Calmon, waxa uuna hadda ku biiray kooxda Al-shabaab ee dalka Sacuudi Carabiya.

Kooxda kubadda cagta reer France ee  Toulouse oo uu xidigaan u ciyaari jitay ayaa ku dhawaaqday in ay xidigeeda qadka dhexe ee Somalia ka iibisay xulka Al-shabaab, Waxayna kooxdu kansashay heshiiskii halka sano ahaa oo uu kula sii joogi lahaa kooxdiisa reer France ee Toulouse.

Xidigan reer Brazil ee heerka caalamiga ah ee Somalia ah ayaa iskaga tagaya heshiis hal sano ka harsanaa oo uu kula jiray kooxda Toulouse, wuxuuna sidaa ku soo afjarayaa sii joogitaankiisa garoonka Stade Municipal, Kadib saddax sano oo uu ku qaatay.

29-jirkan Brazilian ka ah ayaa waxa uu kooxdiisa reer France ee Toulouse u saftay 84-kulan oo ah horyaalka heerka kowaad ee dalkaasi, isagoo haatan u soo wareegsatay dhankaan iyo qaaradda Asia waxaa la filayaa in uu wacdaro ka sameyndoono horyaalka Sacuudiga.

Cayaaryahankan wata magaca Somalia ayaa waxa uu baraha bulshada ka noqday mid looga hadal heyn badan yahay, gaar ahaan Soomaalida uu magacooda wato, waxaan hadal heyntiisa baraha bulshada ka dhashay ficrado badan oo kala duwan.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

 

Facebook Comments