Xilliga uu Ivan Rakitic go’aaminayo mustaqbalkiisa Barcelona oo la ogaaday

Mustaqbalka laacibka kooxda kubadda cagta ee Barcelona Ivan Rakitic, Ayaa ah mid aan wali kala go’aamin kadib markii laacibka uu ciyaaryahanku xiriir la sameeyay PSG.

Wargayska Sport ayaa baahiyay in Ivan Rakitc uu go’aamin doono mustaqbalkiisa isniinta soo socota kaas oo noqon doona inuu ku biiro PSG ama inuu sii joogo Kooxdiisa Barcelona.

Kooxda kubadda cagta ee PSG ayaa diyaar la ah inay bixiso 100 milyan oo euro si ay u hesho Ivan Rakitic oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay koobkii adduunka.

Ivan Rakitic ayaa waydiistay Barcelona in loo kordhiyo mushaarka, laakiin kooxda ayaa ku wargalisay inay ku adag tahay inay aqbalaan codsigiisa.

Lama oga go’aanka uu qaadan doono Rakitic maalinimada isniinta, Balse PSG ayaa si wayn indhaha ugu hayn doonta go’aanka laacibka kooxda kubadda cagta ee Barcelona iyo xulk qaranka Croatia.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments