Ancelotti oo kooxaha serie-A u sheegay in uu horyaalka u gacan gelin doono Napoli

Tababaraha cusub ee kooxda kubadda cagta ee Napoli Carlo Ancelotti ayaa u sheegay kooxaha kula tartamaya horyaalka inaysan yaraysan kooxdiisa.

Ancelotti ayaa sheegay inuu si wayn ula dhacay mashruuca Napoli sidaas darteedna uu u aqbalay inuu layliyo kooxda ka dhisan koofurta talyaaniga.

Wuxuu cadeeyay inuu doonayo inuu horyaalka la qaado kooxda Napoli oo xiliciyaareedkii hore ku dhawaatay inay hanato.

Tababaraha Cusub ee Napoli ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Twetter-ka ku sheegay in uu dib u soo celin doono ciyaarwanaagii kooxda uuna koodiisa gaarsiin doono hogaanka horyaalka seire A-da.

“Waan jeclaa inaan dib ugu soo laabto talyaaniga oo aan tababare ka noqdo, dhabtii waan aaminsanahay mashruuca kooxdaan” ayuu yiri tababare Ancelotti.

“Waxaan rajaynayaa inaan u qaado horyaalka, waxaan haysanaa koox leh tayo badan, waxaan leenahay hadaf muhiim ah”.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments