PSG oo R. madrid u soo bandhigtay saxiixa A. Rabiot si loo burburiyo midkii Barcelona

Xiddiga qadka dhexe ee PSG ayaa diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Adrien Rabiot ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Barcelona, wuxuuna doonayaa inuu ka tago kooxdiisa inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

PSG oo u muuqata mid diidan in 23 jirkaan uu ku biiro Barcelona ayaa u soo bandhigtay saxiixiisa kooxda Real Madrid sida uu baahiyay wargayska Marca.

Lama hubo in maamulka Real Madrid ay danaynayaan saxiixa Adrien Rabiot iyo inkale, balse PSG ayaa doonaysa inuu u dhaqaaqo Bernabeu.

PSG ayaa ku qasban inay iska iibiso Adrien Rabiot suuqa xaggaagan si uusan qaab bilaash ah uga tagin xaggaaga dambe.

Xafiiska Soomaaliweyn
Mogadishu shabakadda Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments